Author: Asad Shadhuuke

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2aad Ee Golaha Wakiillada ayaa maanta shir guddoomiyay fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland oo ka qabsoomay Magalada Garoowe. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo labadiisa ku xigeen ee kala ah Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa siwadajir ah maanta shirka u guddoomiyey, Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda uu ku shaqeyn doono Dowlad Gobolleedka Puntland sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Iyadoona Miisaaniyada Sannadka 2023 ee Maamulka Puntland ay dhan tahay $376,699,825, ( Saddex boqol toddobaatan lix…

Read More

Mohammed El-Amine Souef oo ah wakiilka midowga afrika sidoo kalena ah madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ula wareego howlihiisa shaqo. Bayaan ka soo baxay howlgalka midowga afrika Ee ATMIS ayaana lagu xaqiijiyay imaatinka wakiilka midowg afrika Ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros u magacaabay xilkan bishii September, Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS. Wixii ka horreeyay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si rasmi ah xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen dhismaha xarumaha danta guud isagoona tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta Alshabaab ay ka tarjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug. “Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal…

Read More

Shir dib u heshiisiineed oo maalmahaanba uga socday degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maanta heshiis hordhac ah lagu kala dhex-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay degaannada hoostaga degmada Cadalle. Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Beesha Mudulood iyo mas’uuliyiin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ugu dambeyn xabad joojin lagu dhexdhigay maleeshiyaadka.. Guddoomiyaha degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ka dhacday goobihii lagu dagaalamay, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaada soo nqonoqotay…

Read More

Mas’uuliyiin uu horkacayo guddoomiyaha gobolka shabeelada dhexe Axmed Meyre Makaraan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada Gobolka Maxamed Sheek Xaandow, Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey, Duqa Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise iyo kornel Maxamuud Maxamed Nuur Masdile ayaa gaaray deegaanka Gaaleef Ee shabeelaha dhexe iyagoona halkaas kula kulmay ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay dadka degaanka Gaaleef ee sheegay inay doorkooda ka qaadan doonaan howlgallada ka socda dalka ee looga soo horjeedo alshabaab ayaa sheegay in Maamulkiisu uu Garab taagan yahay Ciidamada Deegaanka…

Read More

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada boosaaso bishii Desembar ee sanadkii 2021 ay sababeen dambiyo dagaal iyadoona golaha amaanku ay cadeeyeen in dagaalkii markaasi dhacay ay ku dhinteen dad gaaraya 19qofood halka 120 kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen. Dagaalkaas,ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi deni uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidamada PSF kadibna uu u ku gacansayray xilka qaadistaas Maxamuud Cismaan Diyaano. Warbixinta,ay soo saartay olaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si faahfaahsan looga hadlay sidii dagaalkaasi uu u dhacay waxyaabihii sababay iyo…

Read More

Ciidamada booliiska Puntland oo ku gudo jira howlgallada amiga lagu xaqiijinayo ee deegaanada Puntland ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaalada garoowe ee caasimadda maamulkaasi, Howlgalkaan ayaa waxay ciidamada booliisku ku soo qabteen kooxo la sheegay inay ka ganacsadaan maandooriyaha oo qeyb ka ah falalka amni darada sababa. War kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay saddex ka mid ah burcadda,kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyo ay soo gaareen inta howlgalka lagu jiray iyo hal mid oo nolosha lagu qabtay, Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay hubkoodii iyo Gaari ay ku wateen khamri, dhanka…

Read More

Dowladda Qadar oo ah dal muslim ah islamarkaana marti-gelineysa Xilli ciyaareedkaan koobka ugu faca weyn aduunka ee lagu tartamo waa koobka Aduunka eh ayaa shaacisay in lagu daah-furi doonno aayado qur’aanka kariimka kamid ah. Wiil lagu magacaabo Qanim Al Miftaa ayey Dawladda Qadar u xulatay inuu akhriyo aayadaha Quraanka Kariimka ee lagu furi doono ciyaaraha Koobka Qaramada Adduunka. Qanim oo ah Wiil ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ah Xaafidul Quraan leh cod macaan, waxaana sidoo kale la sheegay in habeenka xaflada furitaanka ciyaaraha la hakin doono salaada cishaha awgeed, iyadoo dib loo bilaabi doonno salaada ka dib.Dhanka…

Read More

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar kiisa dhiiri-gelinta howlgallada ka dhanka ah alshabaab ka wada deegaanada lafdhabarka u ah howlgalladaa ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ee dowladd gobolleedka Galmudug, Gellinkii dambe ee shalay waxa uu gaaray madaxweynaha soomaaliya magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Alshabaab iyadoona deegaankaa lagu xasuusto dagaaladii taariikhda galay ee dadka deegaanka baxdo ay la galeen kooxda Alshabaab. waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka iyadoona culimada Baxdo Dikri salaam madaxweynaha…

Read More