Author: Asad Shadhuuke

Halloween waa xuska sheydhaanka waxaana laga xusaa dalalka reer galbeedka iyo kuwa kale ee aan islaamka aheyn, waxaa inta uu socdo lagu soo bandhigaa dhar khuraafaad ah kuwaas oo loo ekeysiinayo muuqaalo cabsi cabsi ah taa oo lala jeedo qaabka sheydhaanka. Sidoo kale xiliga Halloweenka Waxyaabaha kale ee la sameeyo waxaa kamid ah , Khayaanooyinka sida dariska oo laga nixiyo. Waxaa kale oo la isticmaalaa sawirada xayawaanka Kibiliga iyo bisada oo ay aaminsanaayeen cawaanta inay la xiriiri karaan dadka dhintay. Waxaa kale oo ka mid ah ciyaaro la sameeyo qaasatan xafladaha caruurta kuwaasoo asalkoodu ka soo jeedo ciyaarihii ay sameyn…

Read More

Dad gaaraya 90 qof ayaa ku dhintay ka dib markii ay ku duntay buundo ay ku lugaynayeen oo dulmarta Webiga gobolka Gujarat ee ku yaalla galbeedka dalka Hindiya. Buundadu markii ay duntay dadku waxay ku hoobteen biyaha Webiga iyadoona xilliga ay dumeysay ay dulmarayeen boqolaal qofood. Muuqaalo lagu baahiyey telefishinada ayaa muujinayey tobanaan qof oo ku dheggan xargo iyo burburka buundada duntay webiga dhexdeeda. Iyadoona kooxaha gurmadku ay ku dadaalayaan soo badbaadinta dadka. Xildhibaan lagu magcaabo Mohan Kundariya ayaa sheegay in la xaqiijiyey dhimashada illaa 90 qof halka saraakiil kale iyaguna ay xaqiijiyey inay dhaawacmeen illaa 30 qof oo kale.…

Read More

Xamse Cabdi Barre Rai’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan kuwaas oo kamid ah isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay isgoyska zoope. Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah,halka Uu alle uga baryay inta dhimatayna naxariistiisa Janno inuuu ka waraabiyo, Xamse cabdi barre Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, isagoona ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda badbaadineyd.

Read More

Kullan caawa dhexmaray Mudane Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada oo degdeg ah ayaa looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shaley magaalada Muqdisho ka dhacay. Kullanka ayaa laga soo saaray go’aanadaan . 1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. 2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5. 3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay…

Read More

HIIRAAN ‘ Ciidamo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa weerar dhabogal ah ku qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne. Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Caag-Sabriye oo dhinaca Galbeed ka xigo Magaalada Baladweyne Ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Magaalada beledweyne Cismaan dhicisoow dhuuboow. ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa abaabul ciidan kaas oo uu doonayay inuu ku qaado farriisimaha kooxda AS. Warar hordhac ah oo weerarka dhabagalka laga helayo ayaa sheegaya inay jiraan khasaarooyin kala duwan’

Read More

Mareykanka Oo isku arkayay wadanka ugu awooda badan caalamka ayaa iminka wajahaya in taasi aaney jirin balse loolanka xagga quwadda lala wadaago. Warbixin uu soo saaray Maraykanka ayaa lagu sheegay in dalka Shiinuhu uu yahay halista ugu sarraysa ee danaha Maraykanka, Warbixinta ayaa lagu yiri” Shiinuhu Wuxuu awood u leeyahay inuu Maraykanka kula tartamo dhaqaale ahaan, millateri ahaan iyo diblomaasiyad ahaan. Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta. Balse Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa…

Read More

Safaaradda Mareykanka Oo Ka digtay suurtagalnimada Weeraro Ka Dhaca Koonfur afrika. Safaaradda Mareykanka ayaa sare u qaaday digniinta suurtagalnimada weerar argagixisanimo oo ka dhaca magalada Sandton ee hoostagta Johannesburg dhammaadka usbuucan. Digniin dhanka ammaanka ah ayaa loo jeediyay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Koonfur Afrika, waxaana lagu yiri, “argagixisadu waxaa laga yaabaa inay qorsheynayaan weerar ay ku bartilmaameedsanayaan isu imaatinka dadweymaha ee meel aan la cayimin oo ka tirsan Sandton city. “Ma jirto xog dheeri ah oo ku saabsan waqtiga, habka, ama bartilmaameedka weerarka,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo saartay safaarada mareeykanka ee ku taala koonfur afrika

Read More

Mustafe Muxumed Cumar ayaa si kulul uga hadlay geeridii shalay ku timid Xildhibaanad Juweeriya Oo ku dhimatay rasaas Uu shalay ku furay askari ka tirsan ilaaladda garoonka diyaaradaha magaalada jigjiga garoonka diyaaradaha Ee magaaladaasi. Masaxweynaha ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto. Mustafa Cagjar ayaa Guud ahaan shacbiga dowlad deegaanka kaga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanadda.Wuxuuna sheegay in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda. Xisbigga talada haya Ee Prosperity Party ayna ka tirsaneyd Xildhibaanadda ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanada, Sidoo kale dadka ku dhaawacmay rasaasta uu askariga ku furay garoonka…

Read More