Author: Asad Shadhuuke

Wadanka Qatar Ee xalay uu ka furmay koobka kubadda cagta Ee Adduunka ayaa waxaa marti sharafti kala duwanaa ee yimid kamid ahaa madaxda Carabta iyo kuwa dalalka Islaamka ah, Iyadoona madaxdaasi qaarkood uu ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo sababay in sannado aysan is arag xiriirka dalalkoodana uu xumaado. balse ka soo qeybgalka munaasabadda furitaankla koobka kubadda cagta ee Adduunka ayuu kaga faa’ideystay amiirka dalka Qatar inuu meel isugu keeno madaxdaasi mudada sanadada ahaa aan meel isugu imaan khilaaf dartiisa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo uuna gacmaha isku galiyo Madaxweynayaasha Turkiga Recep…

Read More

Maanta waa 21-ka Novembar waxayna ku beegan tahay maalinta macalimiinta Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso. 21-ka Novembar waa maalin ay gooniya u tahay Macalimiinta Soomaaliyeed waxaana maanta oo kale dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre dalka ka dhici jiray munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ahmiyadda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed, Inkastoo maanta sidii hore aan qiimo u lahayn, taasoo sababtay bur burka iyo fowdada dalku uu madaxa la galay 1991dii. 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macallinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda…

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiye ku-xigeennadiisa koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku-xigeenkiisa labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kullanka daahfuray ayaa ugu horreyn wuxuu warbixin ka siiyay guddiga sharrciyada muhiimka ah ee aan wali marin habraacii sharciga ee saxda ahaa iyo kullamo mirodhal ahaa oo uu dalka turkiga kula soo qaatay intuu halkaasi safarka ku joogay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane Mustafa Sentop. Xubnaha Guddiga iyo guddoonka ayaa sidoo kale isla falanqeeyay Amniga guud ee dalka, Ugu…

Read More

sida ay saacishay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska soomaaliyeed Gen. Zakiyo xuseen waxay ciidamada booliiska soomaaliyeed gacanta ku soo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo tacadi kula kacay gabar yar oo aan qaan gaar aheyn, muuqaalka wiilka ayaa kahor qabashadiisii lagu faafiyay baraha bulshada si gacanta loogu soo dhigo balse ugu dambeyn ciidamada booliiska gobolka banaadir ayaa ku guuleystay xalay saqdhexe inay soo qabtaan. Xuseen Xasan Gaabow oo ah ninka la soo qabtay booliiskuna ay baadigoobayeen ayaa lagu wareejiyay maxkamadaha kale si sharciga loola tiigsado, Inta badan laamaha booliiska waxay gacanta ku soo dhigaan dad fal dambiyeedyo kula kaca ilmaha yar-yarka…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe Ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay diyaarad ka baxday garoonka diyaaradaha Caalamiga ah Ee Aadan-cadde inay ku guuleysan weysay inay ka dagto garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Sida wararku ay sheegayaan diyaaradan oo ay saarnaayeen wafdi heer sare ah ayaa u dagi weysay garoonka oo Leyr (Nal) la’aan ahaa iyadoo duuliyihii diyaarada ay ku adkaatay inuu diyaarada dajiyo maadaama Iftiinka garoonka uu aad u yaraa. Saaki ayaa la filayaa in diyaaradu ay dib ugu laabato garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Hamaan kadib markii xalay leyr la’aan awgeed ay kaga degi weysay. Dowlad gobolleedka Puntland…

Read More

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Diana Janse. kullankaas Oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Dhinacyada ayaa ka wada-hadlay taageerada muhiimka ah ee Sweden ay u siiso wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya iyo sidii Stockholm u xoojin lahayd gurmadka abaaraha ee xilligaan ay la dhibaatoonayaan shacabka Soomaaliyeed. Ergeyga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Sweden ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii loo maalgelin lahaa mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka, sida; in Soomaaliyya lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta…

Read More

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa shalay galab xaafadda baar ubax ee degmada H/Wadaag ku dillay ruux shacab ah xilli uu halkaasi ku sugnaa. Ninka ay toogteen kooxdani bastooladaha ku hubeysnaa ayaa lagu magacaabayay Cumar Shiikh C/llaahi kaas oo u geeriyoodsay rasaasta lagu furay. waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableyda falka geysatay laamaha amaanka soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa baaritaano ka sameeyay wallow aaney gacanta ku soo dhigin raggii falkaasi ka dambeeyay. Maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa magaalada muqdisho ku soo badanayay dilalka iyo weerarada gaadmada ah ee ka dhacaya caasimadda iyadoona maalin kahor gudaha suuqa weyn ee…

Read More

Kadib socdaal gaaban oo uu shalay ilaa maanta uu ku tagay madaxweynaha soomaaliya deegaano ka tirsan gobollada hiiraan iyo galgaduud oo kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah alshabaab, Madaxweynaha soomaaliya ayaa safarkiisa ku soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Isagoona dib ugu soo laaban doonna magaalada Muqdisho saacadaha soo aadan, Xasan sheikh maxamuud ayaa markii oogu horreysay tagay xerada lamagalaay kadib qaraxyadii mataanaha ahaa ee kooxda alshabaab ay ku burburiyeen qeybo kamid ah xeradaasi,

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir. Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga https://www.google.com/afs/ads?psid=5134551505&channel=AutoRsVariant&fexp=44766999%2C21404%2C17300002&client=pub-9364084479560306&r=m&sct=ID%3Dddaaf2f03609774f%3AT%3D1668002458%3AS%3DALNI_MZ36txbpsTfue1mcWq0IIuiyG13xA&sc_status=6&hl=en&type=3&rs_tt=c&oe=UTF-8&ie=UTF-8&format=r5&nocache=9521668966914369&num=0&output=afd_ads&domain_name=www.jowhar.com&v=3&bsl=10&pac=2&u_his=3&u_tz=180&dt=1668966914371&u_w=1920&u_h=1080&biw=1903&bih=912&psw=1903&psh=3721&frm=0&cl=488417025&uio=-&cont=autors-container-0&jsid=csa&jsv=488417025&rurl=https%3A%2F%2Fwww.jowhar.com%2Fnews%2Fmadaxweyne-xasan-oo-xilalkii-ka-qaaday-gudoomiye-kuxigeenada-gobolka-banaadir-kuwo-cusubna-magacaabay.html&referer=https%3A%2F%2Fwww.jowhar.com%2F&adbw=master-1%3A791 Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud. Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud. Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo…

Read More

Waxaa caawa si rasmi ah kaga furmay waddanka Qatar tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Koobka Adduunka kaas oo markii ugu horaysay lagu qabanayo Dal Muslim ah, Carab ah oo bariga dhexe ku yaala. Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaas oo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah. 32 (laba iyo 30 kooxood) ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan, kaas oo xafladda lagu furayo ay bilaabatay 5:40 daqiiqadood waqtiga Bariga Afrika. Heesaaga Jungkook ee u dhashay Kuuriyada Koonfureed, iyo fannaanka reer Qatar ee Fahad Al-qubaysi ay kamid yihiin hoballada…

Read More