Author: Asad Shadhuuke

BURIN XEERARKA MADAXWEYNE EE KALA AH 40, 41 IYO 42, KUWAAS OO AAN WAAFAQSANAYN HABRAACA DASTUURKA KMG. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajInti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen inay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo. MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa…

Read More

C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa soo dhaweeyay baaqii toddobaadkaan ka soo baxay gudoomiyaha golaha Shacabka sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kaas oo ahaa inuu qabanaayo shirweyne lagu xalinayo buuqa siyaasadeed ee Koofur Galbeed ka jira, Qoraaal uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen ayuu ku sheegay inuu taageerayo baaqa gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo isagu kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan ee maamulkaasi. Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidaan u qornaa Xafiiska madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.”…

Read More

Laamaha ammaanka Ee gobolka banaadir ayaa bilooyin kahor qaaday tallaabooyin looga hortagayay qatarta ciyaalka weerada ee dhibaatooyinka ku hayay qeybo badan oo kamid ah bulshadda gobolka banaadir, Iyadoona kooxahani ciyaal weerada ay si aad ah ugu badnaayeen degmooyinka dharkeynley wadajir kaaraan yaaqshiid iyo qeybo kamid ah degmada hilwaa. howlgallo culus oo laamaha amaanka ay ka sameeyeen degmooyinkaa ayna barbar socdaan wacyi-gellinta joogtada ah ee maamulka gobolka banaadir ayaa dhalisay in ay aad u yaraadaan ciyaalkii dhibaatada ku hayay bulshadda iyadona kuwa badan ay iska dhigeen mindiyihii ay ku hubeysnaayeen halka kuwa kalena jeylka ay iminkaba ku jiraan, balse howlgallada laamaha…

Read More

Wasiirka difaaca keynya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay wargeyska Nation Africa, ayaa kawarbixiyay howlgalka ciidamada dalkiisa ay ku joogaan soomaaliya iyo goorta ay ka bixi doonaan soomaaliya, Wuxuu yiri Aadan Barre Ducaale Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) wey sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa nabad iyo xasilooni la isku haleyn karo ay ku soo laabato soomaaliya, Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan sidii loo tayayn lahaa ciidamada Soomaaliya loo tabbabari lahaa si amniga dalka ay ula wareegeen. Ducaale ayaa ballan qaaday in dowladiisa…

Read More

Xilli uu shalay soo gaaray magaalada muqdisho wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa waxa uu durba booqasho ugu tagay Ciidamada howlgalka ATMIS ee saldhigga ku leh magaalada muqdisho Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Amb. Mohammed El-Amine Souef Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale kullan la qaatay Saraakiisha ciidamada Uganda ee kusugan magalaada Muqdisho isagoona ugu baaqay inay la yimaadaan qorsho cusub oo la xiriira dardar gellinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab Ciidamada Howlgalka Midowga…

Read More

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed isagoona Barayaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soo saaraan jiilal tayo leh oo horseed u noqda horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed ee curdunka ah. Xasan sheikh maxamuud madaxweynaha soomaaliya oo qudhiisaba kamid ahaa macallimiinta soomaaliyeed ayaa ka hadlay xilligii uu ku biiray macallinnimada iyo xaaladihii uu ku soo…

Read More

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed waxa uu hambalyo u diray dhammaan macalimiinta iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed kaalintii ay ka geysteen barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadaalkii ay ku bixiyeen aqoon gaarsiinta Bulshada Soomaaliyeed guud ahaanteeda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xusay in macalimiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan daruufo adag islamarkaana aan helin dhaqaale ku filan oo ay noloshooda ku mareeyaan Wuxuuna ku bogaadiyay badbaadinta ubadka iyo kobcinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed inay halkooda ka sii wadaan.. “Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, macallimiinta Soomaaliyeed la qaybsanayaa…

Read More

Waxaa maanta Aas-qaran loogu sameeyay Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe maalmo kahor. Ku simaha madaxweynaha dowladd gobolleedka puntland ahna madaxweyne ku xigeenka ee dowladdaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qeybgalay salaadda janaasadda alla ha u naxariistii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo lagula tuktay saaki garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryey Garaadka inuu Jannatul Fardowsa ku Arsaaqo, isaga oo uga tacsiyeeyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Isimada dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Garaadku. AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxmed oo ka mid…

Read More

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka koonfur/galbeed ayaa saaki howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dillay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jira degmada Xuddur ee gobolka Bakool,Waxeyna saraakiisha xoogga dalka ay sheegeen in howlgalkaasi ay ku dilleen labo xubnood oo alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha ay ka qaadaan baraha kontaralooda, Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkii saaki lagu dilay xubnaha kala ah Axmed Moorogaabeey iyo Cali garweyne kuwaas oo alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha. Abaabul aad…

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Abdulfatah Adam Moalim oo ay wehliyaan Madaxa Qeybta Daryeelka Bulshada ee Qatar Charity Mudane Xaamud Maxamed iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Mudane Abuubakar, Waxeyna ka wada hadleen dar-dargelinta howlaha muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed oo ay Hey’adda Qatar Charity ka qabato Degmooyinka gobolka Banaadir iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir kuwaasi oo isugu jira Caawinta Agoomada, Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo gar-gaarada Bini-aadannimo. Ugu dambeyn Yuusuf Xuseen Jimcaale…

Read More