Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga dalka  ee dagaalka kula jiro Argagixisada.

Taliyaha ayaa ciidamada iyo sarkiisha xerada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,si guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarijta.

“Saraakiisha Dugsiga tababarka CXDS Ee Turkisom waxaan kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed maadaama ay dhawdahay xiligii la soo afjari lahaa Koxaha Argagixisada Ee dalkeena kadagalama”Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Share.

Leave A Reply