Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu wehliyo agaasimaya Guuud ee Wasaaradda Caafimadka Dr Guuleed cabdi Jaliil ayaa kulan deg deg la qaateen ururrada isbitaallada iyo bahda Caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada u diyaargarowga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka fatahaadaha ee saameeyay inta badan dalka.

Roobabkii da,ayay iyo webiyada oo buux dhaafiyay ayaa horseeday fatahaado baahsan, kuwaasoo boqolaal kun oo Soomaali ah ka barakacay guryahoodii. Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digaya xaaladaha ciriiriga ah iyo biyaha wasakhaysan ay keeni karaan cudurro dillaaca, xitaa iyadoo kaabayaasha burburay ay gobollo badan ka go’een daryeelka caafimaadka.

“Waxaan isugu nimid inaan sameyno guddi loo dhan yahay oo ka tarjumaya bahda caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Guuleed Cabdi Jaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka oo hadalka furay. “Hawsheenu waa inaan abuurno gudi ka jawaab celiya dhibaatooyinka faraha badan ee laga soo sheegay Gobolada dalka, anaga ka wasaarad ahaan waxaan u diyaargarownay heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa kulanka ka soo qeyb galay agaasimayaasha isbitaaladda Guud , wakiilo ka kala socday cisbitaalada waaweyn ee dalka, rugaha caafimaadka, iyo Ururada caafimaadka Soomaaliya. Guddi-hoosaadyo dhowr ah ayaa la sameeyay si ay wax uga qabtaan caqabadaha caafimaad ee gaarka ah oo ay keeneen daadadka.

“Innagoo wadajira, waxaan xaqiijin karnaa in gargaarka naf-badbaadinta uu si dhaqso ah oo waxtar leh u gaaro dadka Soomaaliyeed ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayay tiri Wasiiru Dawlaha Wasarada Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein oo kulanka soo xertay. “Waxaan diyaar u nahay inaan isku dubbaridno dhammaan dhinacyada u baahan jawaabta caafimaad ee ku saleysan baahida sii kordheysa.

Wasaru Dowlaha Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan shirar maalinle ah oo ay ugu kuur galayaan xaaladda iyo gurmadka maadaama lagu jiro xilli roobaadkii.

Share.

Leave A Reply