Ciidamada oo ka soo baxay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa Sheerbi loo keenay si ay u kala dhex-galaan maleeshiya-beeleedka labada dhinac ee dagaallamay.

Xaaladda Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa saaka deggan kadib dagaallo laba maalmood ka socday oo ay ku dhinteen in ka badan lix qof oo dhinacyadii diriray ah.

Ciidamada dowladda ayaa hadda jooga goobihii lagu dagaallamay inkastoo maleeshiyaadka labada dhinac aysan ka fogayn halkaas.

Arinta Ayaa Imaneysa Xili Malmihii Danbe Ay Imanayeen Walac Ku Adan Dagaalka Maleshiye Bileedka Kudagalamaya Degaanka Sheerbi.

Share.

Leave A Reply