Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda ,

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Agaasimayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamarkaana uu soo gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan

Share.

Leave A Reply