Sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud kadib shir fogaan arag ah oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Xariirka kubadda cagta ee Aduunka FIFA, waxa uu yiri FIFA waxa ay ka digtay islamarkaana isla garanay halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Ee Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha inay isla garteen xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Mudane Xil. Maxamed Barre ayaa sheegay in wasaaradda u xilsaaran tahay ilaalinta mabaadida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayna ku dadaali doonaan in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Dhanka kale bahda Sports-ka ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhaweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore, iyagoo sheegay in ay ku qanacsanyihiin hanaanka Wasaaradda u jiheyso doorashada.

Share.

Leave A Reply