Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Puntland oo safar shaqo ku jooga degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa saakay kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi,

Dekedda ayaa waxaa ka socda shaqo Lixaad leh oo lagu dhameystirayo dhismaha dekedda,
Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warbixino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.

Share.

Leave A Reply