Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Mudane Magatte Guisse Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya,

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Madaale ayaa Magatte in u sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee ka soo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka,

Wuxuuna tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

Mudane Magatte Guisse Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay inay Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, Caruurtoodana ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

Share.

Leave A Reply