General Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay magaalada Hobyo, ee gobolka Mudug.

Taliyaha iyo saraakiisha kormeerka ku wehlineysay ayaa kormeer ku tagay xarunta ciidamada ilaalada xeebaha, Saldhigga Boliiska iyo dekedda magaalada Hobyo,waxaana ay xog wareesteen mas’uuliyiinta xarumahaan.

Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Gobolka Mudug ayaa kamid ah magaalooyinka maamulka galmudug ee uu ka arimiyo iyadoona mudooyinkii dambe magaaladaasi ay ku talaabsatay horumar dhan walba leh.

Share.

Leave A Reply