Xilli uu ku howlanaa inuu muuqaalo ka duubo suuqyada magaalada Hargeysa ayey gacanta ku dhigeen ciidamada booliiska somaliland Ninkan u dhashay Canada ee ah youtuberka.

Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa lagu daawanayay ninkan Canadiyaanka ah oo ciidamo boolis ahi baabuur saarayaan.

Youtuberkaan lagu xeray magaalada Hargeysa ayaa dhawaan intaanu gaarin magaaladaas safar uu ku joogay muqdisho ku baahiyay muuqaalo bahdilaad iyo meel ka dhac ku ah lacagta shillinka Soomaaliga. isagoona inta uu lacag ka soo sariftay sariflayaasha magaalada Muqdisho kadib uu ku sheegay in lacagta shillin Soomaaligu tahay mid aan qiimo lahayn.

Intaas waxaa sii dheer inuu bartiisa youtubka uu ku baahiyay muuqaalo uu ku quudhsanayo lacagta shilin Soomaaliga, isaga oo intuu sarif la yaasha booqdo, oo uu hal milyan oo shilin qaato dadka u qaybinayay isaga oo muujinaya in lacagta Soomaaliya tahay, lacag aan qiimo lahayn.

Ilaa hadda ma cadda inuu ninkani uu doonayay sida bahdilaaadda ugu geystay lacagta shllinka soomaaliga inuu doonayay sidaa si lamid ah inuu hargeysana uga sameeyo,

Lamana hubo in xarigiisa ay la xariirto arimaha uu ka sameeyay magaalada Muqdisho ama in loo heysto waxyaabo sharciga la xariira.,

Share.

Leave A Reply