Sida wararka aynu ku heleyno hal askari Oo kamid ah Ciidanka Booliiska Maamulka Somaliland ayaa ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii uu la rogmaday gaari ciidan oo ay la socdeen.

Ciidanka ayaa wakhtigii shilka ay galayeen ku gudo jiray howlgal amniga lagu xaqiijinaayo kaas oo ay ka wadeen degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag.

Balse iyaga oo ku socdaalaya inta u dhaxeysa degmada Ceel’Afweyn iyo degmada Darar’weyne ayaa waxaa la rogmaday gaarigii ay howlgalka ku fulinayeen..

Dhaawacyada Labada askari Eek amid ah booliiska Somaliland ayaa la dhigay Cisbitaalka degmada Dararweyne.

Share.

Leave A Reply