Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano Oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in saaki aroortii dagaal xooggan ay ku qaadeen dagaal yahano ka tirsan Alshabaab.

Deegaankan oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baledweyne ayaa waxaa saldhig ciidan ku lahaa ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dhanka kale ciidamo ka baxay magaalada Beledweyne gurmadna ugu socday ciidanka lagu weeraray deegaanka Beerxaano ayaa iyana la sheegayaa in Jidka ay u galeen dagaalyahano kale oo Shabaab ah inkastoo saraakiisha ciidanka Ee hirshabelle ay tilmaameen iney iska caabiyeen.

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay la sheegayay iney kasoo gudbayeen dhinaca wabiga kuwaas oo guluf dagaaleed kawada deegaannada dhaca duleedka magaalada Beledweyne.

Share.

Leave A Reply