Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiis ku kacaya  illaa $1 bilyan oo dollar  in hub looga iibinayo dalka Qatar.

Noocyada hubka ee dalka Qatar laga iibin doonno ayaa waxaa  kamid ah hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan,

Arintaan ayaa soo shaac baxday xilli gudaha dalka Qatar ay ku dhexmareysay dalalka Mareykanka iyo Iiraan ciyaar kamid ah koobka Aduunka,

Iiraan iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya dagaal ku saleysan dhinaca Nukliyeerka iyadoona sidoo kale Iiraan marar badan ay u goodisay dalkaan yar Ee Qatar, balse arintaan ayaa farriin loo diray dalka Iiraan noqon doonta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Ee Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri’“siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka la ah [Maraykanka], waxaana arrintani ay gacan ka geysanaysaa inay ahaadaan awood muhiim u ah xasillonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaalaha ee bariga dhexe”.

Waxeyna ugu dambeyn Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ay tilmaamtay  in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba.

Share.

Leave A Reply