Shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bank-giga Adduunka.ayaa lagu soo bandhigay heerka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya  iyo warbixinta guud ee dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii 2021.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulanka ka qeybgalay ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka,

Bank-Aduunka ayaa sheegay in sanadkii 2021 Daqliga soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii 2020.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yir“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook), Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka.

Share.

Leave A Reply