Sida ay shaacisay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka Saddex muwaadin oo haysta dhalashada dalka Maraykanka, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Cameroon ayaa lagu soo oogay dacwad la xariirta  inay dhaqaale u aruurinayeen dagaalyahannada gooni-u-goosadka ah ee ku sugan waddanka Afrikada Dhexe,

Eedeysanayaashaan Saddexda qof ah ee dacwadda lagu soo oogay ayaa lagu kala magacaabaa  Claude Chi, oo 40 jir ah, kana soo jeeda gobolka Missouri ee Maraykanka; Francis Chenyi, 49 oo ka soo jeeda gobolka Minnesota; iyo Lah Nestor Langmi, 46 oo isna ka soo jeeda gobolka New York.

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa tilmaamtay in Ragaan ay ururiyeen lacag xaddigeedu dhan yahay illaa $350,000.

Lacagahaas Oo ay ugu talagaleen kooxda falaagada ah ee ka dagaalanta afrikada dhexe kuwaas oo soo shaac baxay sanadkii 2007dii xilligaas oo ay  bilaabeen inay la dagaalamaan milateriga dalkaas Cameroon, iyaga oo doonaya inay dalkaas ka go’aan, kuna dhawaaqaan maamul ay ku magcaabeen Ambazonia.

Share.

Leave A Reply