Mudane Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya kaas oo shalay Madaxweynaha soomaaliya uu isla magaalada muqdisho ka daah-furay,

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka isagoona sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

Wuxuu yiri mudane Xamsa  in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.islamarkaana horay loo dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay kasoo qeyb qeybgaleen Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Marti sharaf kale.

Waxaana shirkani soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha,

Share.

Leave A Reply