Dhacdadaan Naxdinta leh ayaa bilawgii toddobaadkaan ka dhacday Magaalada Mayfair ee koonfur afrika halkaas oo ay soomaalida ku badan yihiin,

Hooyadan soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inuu ninkeeda asal ahaan ka soo jeeday dalka Itobbiya ayna labo carrruur ah u dhashay saygeeda,

Balse booliiska magaalada Johannesbur faahfaahin dheeri ah kama aanu bixin sababta ku xambaartay inay disho ninkii nolosha ay la wadaageysay.

 Balse warar hoose oo warbaahinta RBN ay heleyso ayaa xaqiijinaya in in qoyska uu khilaaf hareeyay waqtiyadii ugu dambeeyay kaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu salka ku hayay,

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa ninkeeda Itoobiyaanka ahaa ee u dhaxayay ku dhufatay dhowr xabadood iyadoona rasaastaasi uu la geeriyooday,

Haatan waxaa gacanta ku haya Ciidamada booliiska Koonfur/afrika baaritaan ayaana lagu hayaa iyadoona maxkamad la soo taagi doono,

Share.

Leave A Reply