Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga soomaaliya.Isagoona sheegay in dalkeena ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.

Sidoo kale Xasan sheikh maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladiisu ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi,

“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.” ayuu yiri Mudane Xasan sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweynaha somaliya ayaa ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, islamarkaana door muuqda ay uga qaadanayaan horumarka dalka.

Share.

Leave A Reply