Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe­) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo ay dhinacyadiisu taagan yihiin Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage ayaa boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland kula hadlay gudaha magaalada kismaayo kuwaas oo loo diyariyay dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Madaxweyne Axmed ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin  ka xoraynta Alshabaab dalka.

Wuxuuna Axmed madoobe sheegay in marka deegaanada jubbooyinka laga xoreeyo AS. kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida islamarkaana idoo  la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay u soo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

DCIM\101MEDIA\DJI_0609.JPG

Share.

Leave A Reply