Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Xaaji Maxamed Luqamaan ayaa dhammaan guddoomiyayaasha baarlamaannada dowlad gobolleedyada ku casuumay Magaalada Beledweyne Ee Xarunta gobolka Hiiraan,

Soo dhaweynta guddoomiyayaasha ayaa ka socota magaalada Beledweyne iyadoona ay gaareen magaaladaasi,

Kullan gaar ah ayaa la filayaa inay Magaalada Beledweyne ku yeeshaan Maalinta berito ah guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Gobolleedyada, kaas oo ay kaga hadli doonaan sidii lo xoojin lahaa wadashaqeynta Baarlamaannada Shanta dowlad Goboleed.

Dowlad gobolleedka Hirshabelle ayaa noqotay dowlad gobolleedkii ugu horreeyay ee Kullan noociisa ah qabata iyadoona kullanka guddoomiyayaasha ay kaga wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoona sidoo kale dhaqaale loogu aruurin doonno Maamulka Hirshabelle si dib loogu dhiso xarunta madaxtooyada Hirshabelle Ee magaalada Beledweyne kaas Oo Alshabaab ku burburiyeen weeraro qraxyo ah,

Share.

Leave A Reply