Shirweyne looga hadli doonno abaaraha ka jira soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo horaanta bisha soo socoto sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki.

Mr Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, kadib markii la waayey roobabkii muddo 5 sano ah, taasina ay keentay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed,

Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay shirweynahaani ay garwadeen ka noqdaan, waxaana looga hadli doonnaa sidii looga hortagi lahaa khatarta macluusha Soomaaliya, kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu la soo xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, kuwaas oo uu kala hadlay wax ka qabashada musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sida ugu haboon Ee looga bixi karo duruufaha taagan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki ayaa dhankiisa markale sheegay in Shirkaan caalamiga ah ee Jaamacadda Carabtu uu yahay in la isku duba rido qorshayaal hawleed u dhexeeya ururada maxaliga ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya si loo wajaho xaaladda ka jirta Soomaaliya.

Share.

Leave A Reply