Shirkan loogu magac daray horumarinta dhallinyarada iyo haweenka gobolka banaadir ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay in looga doodo arimaha la xariira horumarinta dhallinta iyo haweenka iyadoona diiradda lagu saari doonno sida shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinta looga qeybgalin lahaa siyaasadda heer kasta, iyo dhibaatooyinka isticmaalka daroogada sharci darada ah.

Wasiirka Waaaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliyeed, Md Mohamed Barre qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, Guddomiyaha Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, Agaaismaha Guud ee Qorahaynta Maamulka G/Banaadir, xubno ka mid ah bulshada rayidka iyo dhalinyarada iyo haweenka degmooyinka Gobolka ayaana shirka siwadajir kaga soo qeybgalay.

Shirka ayaa la filayaa in uu ka soo baxo war-murtiyeed ku aadan go’aanada iyo talooyinka ku qotama ujeedadii Shirka lana rajaynayo in Hogaanka Maamulka Gobolka iyo guud ahaan Dawladda Fadaraalka ay ku darsato qorshayaasheeda ku aadan Horumarinta Haweenka iyo Dhalinyarada.

Share.

Leave A Reply