Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha madaxtooyada ku qaabilay warqadaha aqoonsiga danjiranimana kagala wareegay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalka mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad.

Wuxuu danjiruhu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay,

Madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay Danjiraha xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Share.

Leave A Reply