Eeney Ureyn waxa uu ahaa mid kamid ah dhallinyarada iyaga oo aad u da’yar ku biiray kooxda alshabaab isagoona kaga biiray kooxda deegaanka Ceel-Bashiir Ee hoostagta Degmada Buur-hakaba.

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Eeney ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in Eeney uu si toos ah saraakiisha qaraxyada kooxda Alshabaab uu ka soo qaadi jiray Miinooyin diyarsan ka dibna uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimaadan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Baaris dheer ka dib waxa ay isku howleen sidii ay u soo dhamaystiri lahaayeen hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii Bishaan, waxayna Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Dhanka kale waxaa maxkamadda ka hadlay Abuukataha u dooday Eedeysanaha isagoona Maxkamadda ka codsaday inay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

fadhiya kala duwan Maxkamadda ayaa ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

balse Xukunsane Eeney ayaaa heysto Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Share.

Leave A Reply