Ciidamo ka tirsan dowladda keynya ayaa lagu weeraray xaduud beenaadka gobolka jubadda hoose uu la wadaago dalka keynya,

inta la xaqiiyay weerarkaan ayaa lagu dillay saddex askari oo keynyaan ah iyadoona lagu dhaawacay shan kale.

waxaana la sheegayaa in weerarka uu fuliyay qof ku hubeysnaa qoryaha fudud kaas oo si gaadmo ah dhexda kaga galay askarta deetana rasaasta ooda kaga qaaday.

Sarkaal ka tirsan ciidamada keynya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. isagoona tilmaamay in askarta kale laga doonayo inay taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,”

Ciidamadda Kenyanka ah ayaa ugu danbeyn toogtay ninkan hubeysan, waxeyna saraakiisha dalkaasi ay askartooda farayaan iney laba jibaaraan adkeynta amnigooda, maadaama ay dhawdahay dabaal dagyada sanadka cusub.

Share.

Leave A Reply