Wararka ka imaanaya gobolka Ceyn ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Dagaal sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca shan kale ayaa ka dhacay deegaanka qararro oo ah halka ay isku heystaan ciidamada labada maamul.

Inkastoo weli saraakiisha ciidamada ee Somaliland iyo Puntland aaney ka hadlin dagaalka hadana saaki xaalku waa mid yara degan walow la filan karo dagaalo markale halkaasi ku dhexmara ciidamada deegaanka dhufeysyada sameystay.

Magaalada Boocame ee Gobolka Sool ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland,

Waxaana la ogeyn goorta ay ka kori doonaan maamuladaan isqab-qabsiga dhuleed ee u dhaxeeya, kaas oo saameyn weyn ku yeesha nabadda iyo xasiloonidda ka jirta deegaanada ay isku hayaan.

Share.

Leave A Reply