Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste horayna uga mid ahaa musharrixiinta kula loolamay Xildhibaan Yuusuf Kabaale kursiga hop#33 ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dilleen gudaha degmada wadajir ee gobolka Banaadir,

Koox dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan ayaa Maxamed ku toogtay Waaxda Tima Cade Ee degmada Wadajir iyaga oo durba goobta ka baxsaday,

Laamaha amaanka ayaa gaaray halka uu ka dhacay falka dilka ah iyadoona howlgallo baaritaano ah goobta ay ka sameeyeen,

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay gudaha magaalada muqdisho falalka la xariira amni darada iyadoona marar badan maamulka gobolka banaadir iyo saraakiisha ay ku cel-celiyeen iney wax ka qabanayaan falal dambiyeedka soo noqnoqnaya eek a dhacaya degmooyinka gobolka banaadir.

Share.

Leave A Reply