James Mugo Ndichu waxa uu ahaa dhaqtar xarun caafimaad ku leh xaafadda Githurai Ee Magaalada Nairobi,

Sanadkii 2018kii ayaa waxa uu fal kufsi ah kula kacay haweeney bukaan aheyd oo xaruntiisa caafimaadka u timid inuu daaweeyo,

Wendy Muchemi oo ah garsooraha maxkamadda xukuntay dhaqtarka ayaa sheegay in James Mugo Ndichu uu ku kacay fal khatar ku ah bulshadda isaga oo daroogo siiyay qof dumar bukaan ah kadibna kufsi kula kacay.

Dr.Mugo ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay afar sano ka hor, ka dib markii lagu soo qabtay falkani inuu kula kacay haweeney bukaan ahayd.

Share.

Leave A Reply