Wadanka Qatar Ee xalay uu ka furmay koobka kubadda cagta Ee Adduunka ayaa waxaa marti sharafti kala duwanaa ee yimid kamid ahaa madaxda Carabta iyo kuwa dalalka Islaamka ah,

Iyadoona madaxdaasi qaarkood uu ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo sababay in sannado aysan is arag xiriirka dalalkoodana uu xumaado.

balse ka soo qeybgalka munaasabadda furitaankla koobka kubadda cagta ee Adduunka ayuu kaga faa’ideystay amiirka dalka Qatar inuu meel isugu keeno madaxdaasi mudada sanadada ahaa aan meel isugu imaan khilaaf dartiisa,

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo uuna gacmaha isku galiyo Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Masar Cabdifitaax Al-Sisi, labadaan madaxweyne ayaa sannado badan is arag, waxaa sidoo kale ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo saameeyay xiriirka labada dal.kuwaa oo iyaga oo faraxsan gacmaha is galiyay.

Doxa waxaa sidoo kale isku arkay oo gacmaha is galiyay Madaxweyne Erdogan, Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Boqorka Jordan iyo Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Inkastoo Xulka kubadda cagta Ee Qatar guul daro ay ku bilaabatay ciyaaraha aduunka hadana dalkaasi shalay waxay u aheyd maalin weyn oo taariikhi ah, waxaana dalkaasi isugu tagay madax kala duwan iyo dad magac iyo mansabba ku leh caalamka.

Share.

Leave A Reply