Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Abdulfatah Adam Moalim oo ay wehliyaan Madaxa Qeybta Daryeelka Bulshada ee Qatar Charity Mudane Xaamud Maxamed iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Mudane Abuubakar,

Waxeyna ka wada hadleen dar-dargelinta howlaha muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed oo ay Hey’adda Qatar Charity ka qabato Degmooyinka gobolka Banaadir iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir kuwaasi oo isugu jira Caawinta Agoomada, Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo gar-gaarada Bini-aadannimo.

Ugu dambeyn Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Qatar iyo Hey’addaheeda kala gedisan ugu mahadceliyay siday u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Kaalinta ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah shacabka soomaaliyeed ee kunool gobolka banaadir.

Share.

Leave A Reply