Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka koonfur/galbeed ayaa saaki howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dillay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab,

howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jira degmada Xuddur ee gobolka Bakool,
Waxeyna saraakiisha xoogga dalka ay sheegeen in howlgalkaasi ay ku dilleen labo xubnood oo alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha ay ka qaadaan baraha kontaralooda,

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkii saaki lagu dilay xubnaha kala ah Axmed Moorogaabeey iyo Cali garweyne kuwaas oo alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo sidii guluf dagaaleed loogu qaadi lahaa alshabaab ayaa ka socda qeybo badan oo kamid ah gobolka bakool iyadoona degmada Ceelbarde ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawishta Koofur Galbeed kuwaas oo isu diyaarinaya inay dhawaan u dhaqaaqaan alshabaab ay maamulaan.

Share.

Leave A Reply