Waxaa maanta Aas-qaran loogu sameeyay Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe maalmo kahor.

Ku simaha madaxweynaha dowladd gobolleedka puntland ahna madaxweyne ku xigeenka ee dowladdaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qeybgalay salaadda janaasadda alla ha u naxariistii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo lagula tuktay saaki garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryey Garaadka inuu Jannatul Fardowsa ku Arsaaqo, isaga oo uga tacsiyeeyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Isimada dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Garaadku.

AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxmed oo ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah kasoo qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo sidii bulshada Soomaaliyeed Nabad waarta u heli lahayd,

Wuxuuna Sanadihii u dambeeyey Udub dhexaad u ahaa Nabada iyo horumarka ka socda deegaanada Puntland oo uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii dowladda Puntland.
AUN Garaadka ayaa maanta lagu Aasayaa Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool uu ku dar-daarmay in lagu Aaso intii uu noolaa.

Share.

Leave A Reply