Maanta waa 21-ka Novembar waxayna ku beegan tahay maalinta macalimiinta Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

21-ka Novembar waa maalin ay gooniya u tahay Macalimiinta Soomaaliyeed waxaana maanta oo kale dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre dalka ka dhici jiray munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ahmiyadda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed, Inkastoo maanta sidii hore aan qiimo u lahayn, taasoo sababtay bur burka iyo fowdada dalku uu madaxa la galay 1991dii.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macallinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda uu macalinku leeyahay bulshadda.

waxaa lagu wadaa Maanta in la qabto munaasabado lagu weynaynayo maalintaan qiimaha u leh shacabka Soomaaliyeed maadaama macallinku yahay barbaariyaha jiilka qofwalba oo wax soo bartayna uu soo saaray,
Sidoo kale Goobaha waxbarasahada ayaa maanta guud ahaan loo fasaxay munaasabaddaan aawadeeda,

Share.

Leave A Reply