Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiye ku-xigeennadiisa koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku-xigeenkiisa labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kullanka daahfuray ayaa ugu horreyn wuxuu warbixin ka siiyay guddiga sharrciyada muhiimka ah ee aan wali marin habraacii sharciga ee saxda ahaa iyo kullamo mirodhal ahaa oo uu dalka turkiga kula soo qaatay intuu halkaasi safarka ku joogay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane Mustafa Sentop.

Xubnaha Guddiga iyo guddoonka ayaa sidoo kale isla falanqeeyay Amniga guud ee dalka, Ugu dambeyntiina waxa ay ansixiyeen in Senator Siiciid Cabdi Xuseen (Cawke) uu ka mid noqdo xubnaha Guddiga dib-u-eegista iyo la socodka Dastuurka ee uu horray u banneeyay Mudane Saalax axmed Jaamac..

kullanka Maanta ay yeesheen guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ahaa Kalfadhiga labaad kullankiisa koowaad ee guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare,

Share.

Leave A Reply