Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa shalay galab xaafadda baar ubax ee degmada H/Wadaag ku dillay ruux shacab ah xilli uu halkaasi ku sugnaa.

Ninka ay toogteen kooxdani bastooladaha ku hubeysnaa ayaa lagu magacaabayay Cumar Shiikh C/llaahi kaas oo u geeriyoodsay rasaasta lagu furay.

waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableyda falka geysatay laamaha amaanka soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa baaritaano ka sameeyay wallow aaney gacanta ku soo dhigin raggii falkaasi ka dambeeyay.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa magaalada muqdisho ku soo badanayay dilalka iyo weerarada gaadmada ah ee ka dhacaya caasimadda iyadoona maalin kahor gudaha suuqa weyn ee bakaaraha lagu weeraray ciidamo ka tirsan laamaha amaanka oo ku sugnaa gudaha suuqaasi.

Weli lama oga sababta loo dilay Cumar Shiikh C/llaahi iyo cida ka dambeysay dilkiisa iyo shaqada rasmiga uu qabanayay inkastoo dilalka nuucaani ah looga bartay kooxda Al;shabaab.

Share.

Leave A Reply