Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Diana Janse. kullankaas Oo ka dhacay magaalada Muqdisho,

Dhinacyada ayaa ka wada-hadlay taageerada muhiimka ah ee Sweden ay u siiso wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya iyo sidii Stockholm u xoojin lahayd gurmadka abaaraha ee xilligaan ay la dhibaatoonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Sweden ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii loo maalgelin lahaa mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka, sida; in Soomaaliyya lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboollaan baahiyaha jira.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale kala hadlay marwo Diana Janse in Sweden ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siiso sidii aan u heli lahayn dhaqaalaha loogu tala galay in lagu taageero Dawladaha ay samaaynta ba’an ku yeelatay is-beddelka cimilada Inkastoo shirkjoo cimiladda Ee dhawaan ka dhacay dalka masar ay diideen dowladaha dhaqaalaha leh inay lacag meel u qoondeeyaan kahor tagga aafooyinka ka dhalata isbedellada Cimiladda aduunka.

Share.

Leave A Reply