Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe Ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay diyaarad ka baxday garoonka diyaaradaha Caalamiga ah Ee Aadan-cadde inay ku guuleysan weysay inay ka dagto garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Sida wararku ay sheegayaan diyaaradan oo ay saarnaayeen wafdi heer sare ah ayaa u dagi weysay garoonka oo Leyr (Nal) la’aan ahaa iyadoo duuliyihii diyaarada ay ku adkaatay inuu diyaarada dajiyo maadaama Iftiinka garoonka uu aad u yaraa.

Saaki ayaa la filayaa in diyaaradu ay dib ugu laabato garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Hamaan kadib markii xalay leyr la’aan awgeed ay kaga degi weysay.

Dowlad gobolleedka Puntland ayaanan ku guuleysan in garoonkani ay shaqeysiiso xilliyada habeenkii  iyadoona tan iyo ilaa 2018kii aaney looga baran inay diyaarado ay ka soo dagaan.

Share.

Leave A Reply