Xamse Cabdi Barre Rai’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan kuwaas oo kamid ah isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay isgoyska zoope.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah,halka Uu alle uga baryay inta dhimatayna naxariistiisa Janno inuuu ka waraabiyo,

Xamse cabdi barre Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, isagoona ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda badbaadineyd.

Share.

Leave A Reply