Dad gaaraya 90 qof ayaa ku dhintay ka dib markii ay ku duntay buundo ay ku lugaynayeen oo dulmarta Webiga gobolka Gujarat ee ku yaalla galbeedka dalka Hindiya.

Buundadu markii ay duntay dadku waxay ku hoobteen biyaha Webiga iyadoona xilliga ay dumeysay ay dulmarayeen boqolaal qofood.

Muuqaalo lagu baahiyey telefishinada ayaa muujinayey tobanaan qof oo ku dheggan xargo iyo burburka buundada duntay webiga dhexdeeda.


Iyadoona kooxaha gurmadku ay ku dadaalayaan soo badbaadinta dadka.

Xildhibaan lagu magcaabo Mohan Kundariya ayaa sheegay in la xaqiijiyey dhimashada illaa 90 qof halka saraakiil kale iyaguna ay xaqiijiyey inay dhaawacmeen illaa 30 qof oo kale.

Buundadan duntay ayaa la dhisay xilligii ingiriiska ee qarnigii 19aad Wuxuuna dhererkeedu ahaa illaa 230 mitir,

Muddo lix bilood ah ayey ka socotay buundada howlo lagu dayactirayo iyadoona ay xirneyd isticmaalkeeda.
Balse waxaa dib loo furay toddobaadkii hore iyadoona nasiib daro ay duntay.


Ra’iisal wasaaraha dalka hindiya Narenda Modi oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga gobolka Gujarat ee uu ka soo jeedo ayaa sheegay inuu amray madaxa gobolka inay gurmad u fidiyaan dadka waxyeelladu ay soo gaartay.

Share.

Leave A Reply