Halloween waa xuska sheydhaanka waxaana laga xusaa dalalka reer galbeedka iyo kuwa kale ee aan islaamka aheyn,

waxaa inta uu socdo lagu soo bandhigaa dhar khuraafaad ah kuwaas oo loo ekeysiinayo muuqaalo cabsi cabsi ah taa oo lala jeedo qaabka sheydhaanka.

Sidoo kale xiliga Halloweenka Waxyaabaha kale ee la sameeyo waxaa kamid ah , Khayaanooyinka sida dariska oo laga nixiyo. Waxaa kale oo la isticmaalaa sawirada xayawaanka Kibiliga iyo bisada oo ay aaminsanaayeen cawaanta inay la xiriiri karaan dadka dhintay. Waxaa kale oo ka mid ah ciyaaro la sameeyo qaasatan xafladaha caruurta kuwaasoo asalkoodu ka soo jeedo ciyaarihii ay sameyn jireen cawaantu si ay u qiyaasaan mustaqbalka.

Xuskan ayaa sanad walba laga sameeyaa wadamada reer galbeedka iyo kuwa aan islaamka aheyn balse sanadkaan markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay dalka Sacuudiga iyadoona ay aad kaga caroodeen muslimiin badan oo ku dhaqan caalamka.

Culimada Islaamka ayaa ku tilmaamay xuskan caado sheydaan oo khilaafsan diinta islaamka aysana banaanneyn in laga qeyb qaato, iyagoo xusay in islaamku uu leeyahay labo ciidood, wixii ka baxsana ay yihiin kuwa islaamku uusan ogoleyn.

Nebiga NNKH wuxuu yidhi, “Waxaad raaci doontaan dariiqooyinkii quruumihii idinka horreeyey, taako taako iyo dhudhun dhudhun, hadday xataa god abeeseed galaan waad raaci lahaydeen.” Waxan waydiinay Rasuulkii Alloow! (Ma waxaad ka wadaa) Yahuud iyo Nasaara?” Markaasuu yidhi, “Yaa kale?

.

Share.

Leave A Reply