Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada DJabuuti Ee Caasimadda dalkaasi Jabuuti.

Safarka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la shaagayaa inuu dalkaasi jabuuti kaga qeyb gali dooni shir lagaga hadlaayo Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka jabuuti ayaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ee dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Share.

Leave A Reply