Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad ciidamadii maanta ku soo dhaawacmay dagaalkii cuslaa Ee ka dhacay Deegaanka Masjid cali_gaduud Ee gobolka sh/dhexe.

Dagaalkaas Oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Oo isgarabsanaya iyo Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgallada dalka ka socda Ee looga soo horjeedo Alshabaab in uu caafimaad deg deg ah Alle uu siiyo,

Wuxuuna intaasi raaciyay guddoomiyuhu in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Alshabaab.





Share.

Leave A Reply