Waxaa la soo warinayaa in daadad Xooggan ay ku soo rogmadeen xaafado kamid ah Magaalada Qardho.

Daadadkan ayaa yimid kadib markii ay fatahmeen biyo farabadan Oo uu keenay roobab da’ayay. Inta la xaqijiyay waxaa ku dhintay daadad kaan hal ruux.

Xaafado badan Oo Magaalada ayaa go’doonsan daadadka awgii..

Waxaana daadka magaalada harqiyay inta badan keena dooxooyin Waaweyn oo magaalada soo gala kuwaas Oo fataha markii biyaha ay ka tan bataan.

Waxaa iminka ka socda Magaalada Qardho soo badbaadinta dadka meelaha go’doonsan ku jira.

j
Share.

Leave A Reply