Salah Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Shir kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalkeenna ku yeeshay.

Wasiiradda ayaa kullanka ka soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaaradda walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaara ku xigeenka ayaa dhankiisa kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran si dalkoo dhan dhir loogu beero.

Waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka, Kalluumasiga iyo Khayraadka Badda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Share.

Leave A Reply