Waxaa goordhaw Soo gaaray Magaalada Garowe Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo Oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland iyo Ku xigeenkiisa ayaa Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenk koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe Ayaa Siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Garowe.

Wafdigaan ballaaran Ee uu hogoominaayo Madaxweynaha dowladd deegaanka ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan Daahfurka Dekedda Garacad Oo lagu wado in beri si rasmi ah loo furo.

Share.

Leave A Reply