Roobab dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen ayaa xalay ilaa gelilinkii dambe Ee shalay ka da’ayay deegaano badan oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,

Galgaduud Degmada Dhuusamareeb iyo deegaano dhowr ah ayaa laga soo warinayaa in roobabku ay ka da’een,

Iyadoona isla xalay fiidnimadkii la soo warinaayo in biriq ay ku dhacday deegaanka Gadoon Ee hoostimaada magaalada Dhuusamareeb,

Biriqda ku dhacday deegaankaan dhaca Bariga Dhuusamareeb Ee gadoon ayaa la xaqiijinayaa iney ku dhaawacmeen laba Ruux kuwas Oo goobaha caafimaadka lagula tacaalayo.

Dhanka Hiiraan Meelo badan Oo kamid gobolka waxaa laga soo warinayaa in roobab ay ka da’een halka magaalada Beledweyna laga dheehanayo jawi roobaad.

Degmada Matabaan ayaa kamid ah meelaha roobabku shalay ilaa xalay ay ka da’een waxaana buuxsamay warihii biyaha Ee marnaa maalmo kahor.

https://rbnnews.net/wp-content/uploads/2022/10/roobaab.mp4
Share.

Leave A Reply