Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowladd Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isaga Oo ku lebisan dharka Tuutaha Ciidanka Maanta furrimaha hore Ee dagaalka kula Kulmay Xildhibaano, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaa Oo uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Ee ka socda Gobollada Hiiraan iyo Sh,dhexe Ee ka tirsan Dowladd Gobolleedkiisa,

Madaxweyne Guudlaawey ayaa kulanka kaddib shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgallada dalka ka socda Ee looga soo horjeedo Kooxdea Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee Al Shabaab ka xureeyay deegaanno badan, isagoo xusay in dhowaan deegaanno iyo degmooyin muhiim ah lagala Wareegi doonno kooxdaasi,

Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa kamid ah Meelaha ay ku xoogan yihiin Al Shabaab iyadoona dhawaan ay ka bilawdeen howlgalo ka dhan ah kooxdaasi, Waxaana durbaba laga saaray deegaano dhaca duleedka Degmada Balcad.

Share.

Leave A Reply